Waxyaabaha soonka jebiya iyo waxyabaha aanan jabinin


Waxyaabaha aanan soonka jebin waxaa ka mid ah:

 1. Toobniinka

2. Dhiig qof loo shubo

3. Qubeyska

4. Cadaysiga

5. Candhuufta

6. Cunid & cabid aan loo qasdin - hilmaan

7. Matag kusoo dhaafay oo aan qasad aheyn

8. Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda

9. Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba

 

Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:

1. Cunid & cabid

2.Jamaaca maalinkii

3. Matag kas la isaga keeno

4. Cirbado nafaqo leh oo la qaato

5. Shahwada oo la isaga keeno si kas ah

6. Caadada & xeydka dumarka

7. Haddii uu diinta ka baxo isagoo soomman

8. Haddii uu waasho isagoo soomman

 

Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:

1. Xanta

2. Caayda

3. Isku dirka

4. Beenta

5. Indhaha oo meel xun lagu eego

6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto

7. Qamaarka oo la dheelo

8. Dagaalka

 

Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:

1. Qur'aan akhriska badan

2. Salaadaha sida taraawiixda & taajudka

3. Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo

4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya

5. Indhaha oo la laabo

6. Carrabka oo la xakameeyo

7. Masaajidka oo la cammiro

6. Farjiga oo la dhowro

 

Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii

1. Uu yahay musaafur

2. Uu xanuunsado

3. Uu ummulo

4. Uu caadoodo

5. Uu caqligiisu tago

6. Uu u cabsado ilmaha caloosha ku jira

 

Allaha naga aqbalo soonka Insha'Allaah.

 FG: Wixii aan ka tegay ku dara, wixii aan qalday-na naga sax. 


Mahadsanidiin.


Muuqaalkan Hoose waxaan ugu taka galnay inay faa iido noo noqoto Baaraka Allah

Post a Comment

Comment

Previous Post Next Post
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...